GodeyGacalo IT
JAALIYADDA JOORE EE WAQOOYIGA AMEERIKA OO HALKAN UGA DIRAYA TACSI
Jaaliyadda kasoo jeedo degaanka Joore ee waqooyiga Ameerika ayaa waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh ooga direysaa qoosaskii iyo eheladii Allah ha unaxariisteen ganacsade Xaanshi Sheekh Cabdi iyo labo wiil oo dhalinyaro ah uu adeer u yahay oo laka la yiraado magacyadooda Maxamed Xassan Sheekh Cabdi iyo Maxamuud Cabdiwali Sheekh Cabdi, oo dhwaan la sheegay ayaga oo joogo meel ay ku ganacsanayeen in ay ka xeeysteen ciidamada miltiriga dowlada Kenya kadibna ay ku wareejiyeen ragii Sh Axmed Madoobe.

Sidaan horay bishii la soo dhaafay u soo tebinay maalintii la qabtay magaalada Badhaadhe ayaa waxaa u yimid ganacsade Xaanshi iyo wiilashiisa oo kusugan meel ay gacanta kuhaayeen oo ahayd shirkadaha xawilaadyada degaanka ciidamada milririga dalka Kenya oo ay horkacayaan koox katirsan kuwa taabacsan Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) kadibana waxaa laga ka xeeystay goobtii ganacsiga ahayd ee ay joogeen, waxaana la waayay meel alaale meel ay cag iyo jaanba dhigeen in muda ah Xaanshi iyo labadiisa wiil.

waxaa maanta soo gaaray shabakada IjaraNews.com warsidaheeda bariga Afrika in ay xaqiijiyeen ciidamada Milririga Kenya dhimashada Xaanshi iyo wiilashiisa, maayna shegin miltiriga Kenya cida dishay raagaasi, laakiinse waxaay qireen in ay ku wareejiyeen maalima gudahooda ciidamada agaasi joogay ee Somalida ahaa kadibna la xaqiijiyay dhimashadooda.

IjaraNews
Gaarisa