|
WAA QORMADII BASHIIR XAAJI EE KU ADANEEYD KA LA DAADSANAANTA BEESHA ABSAME IYO ADEERKOODA |
Azaniya liin & caano Kaambooni Hordhac ACW. Ujeedada qoraalkan ma aha in la taageero ama la mucaarado dhinac ama koox.
AZANIYA Dowlad baanu dhisnay waa la diiday. Jabhad qarnigeedi dhamaaday baa la kulaalayaa. Maxaa naga galay, ciddii haraad iyo dhiig dhexdabaalata, shaqadeena ma aha, hoteelada Nairobi ayan ku raaxeysani, lacago badanna waynu haysanaa,!!. Garowe One-Two-Gaalkacayo-London-Muqdisho iyo Kampala midna ma xaadirin. Sh.Sharif ayaa diiday.
Macnaha Azaniya waa dhulkii carfoonaa, Azaniya hanoolaato. Ka naxow nafta waa.
DIASPORA Guuleyso! Guuleyso! Guuleyso!
Madaxweyne, iska ilaali qolada sheegata Kaambooni iyo wixii la halmaala.
Wadahadal warkiisa daa, waa cadow.
Umada kale ayay u shaqeeyaan.
Miskax, maal iyo muruq anaga ayaa kuula diyaar ah.
Waa la hubaa guusha anaga ayaa leh.
Wabillahi towfiiq.
KAAMBOONI Anaga waa nala yaqaanaa magac khaldan ma wadano,
20 sano iyo hudhu'dhuu ayan dagaal ku jirnaa, Balcad,Jowhariyo Muqdisho meelaan ka dagaalamin ma jirto.
Garowe One-Two-Gaalkacayo-London-Muqdisho iyo Kampala midna lama socono, VOA ayan ka maqalay.
Kaambooni waa magac facweyn, meela ugama socono, kaambooni hanoolaato. Ka naxow nafta waa.
DIASPORA Guuleyso! Guuleyso! Guuleyso!
Taliye, iska ilaali qolada sheegata Azania iyo wixii la halmaala.
Wadahadal warkiisa daa.
Waa cadow.
Umada kale ayay u shaqeeyaan.
Miskax, maal iyo muruq anaga ayaa kuula diyaar ah.
Waa la hubaa guusha anaga ayaa leh.
Wabillahi towfiiq.
BILOOW & BILAAY
Bilow: oo Bilay! Away DG. Azaniya?
Bilaay: Yaahuu bax VOA soo weydii.
Bilow: Dhib malaha Kamboni ayaa Jubbaland soowada.
Bilay: Alla ninkan kanshe- ladanaa, kaambooni waqti ma hayaan waa mashquul.
Bilow: Asburadi maxaa helay talo may keenaan?
Bilay: kikkik, Alla kanaa reer baadiye, war Asburo ma aha, waa diaspora, waa af ingiriisi, Macnaha waa dad miskaxda looga jiro oo ku nool dibadaha.
Bilow: Laaa ilaaha illa'laahu!! Bilaay waxaan ku warsade! dad dhimirka looga jiro miyay talo ka sugayaan Sh. Ahmed iyo Prf. Gaandi?
Bilay: Haa, sow kuwaa u nacamleynaya.
TFG & ETHIOPIYA
Wax walba waxay u dheceen sidii loo qorsheeyay. Shaxda maamulka waa diyaar, waa 32 qabiil siduu sheegay Prf. Gandi, laakiin anaga ayaa u dhisi si caddaalad ah. Kambooni kaalin wax ku ool ah ayuu ka cayaaray Jubooyinka, sida la dagaalanka Al-shabaab, 1-2 jago ku filan.
KENYA. Sijui waxbaa idinka qaldan! Soo heshiiya marka hore.
Bishar Haji (Bashka) b.haji114@hotmail.com |
|
|