Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay xiliga ka ma dembeenta ah ee ay dhici doonaan doorashooyinka guud ee dalka Kenya,madaxa guud ee gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka Kenya mudane Isaaq Xassan ayaa sheegay in ay doorashooyinka dalka dhici doonaan 4afarta bisha March ee 2013ka.
Mudane Xassan ayaa sheegay dib udhaca 3dax biloodka ah ee ku yimid doorashooyinka ay ku xaqiijinayaan si loo helo habsami iyo geedi socodka wanaagsan oo ay ku wada qancasan yihiin dhamaan muwaadiniinta reer Kenya lana siiyo fursad dadka musharaxiinta ah is ay u helaan waqti ku filin oo ay ku diyaar garoowaan iyo kuwa wax dooranayo.
IjaraNews Garissa |