|
|
AFHAYEENKA CIIDAMADA DOWLAD GOBOLEEDKA AZAANIYA SOMALI STATE MAXAMED DAAHIR OO SHEEGAY IN AY SAACADAHAN SOO SOCDO AY GACANTA KUDHIGI DOONAAN MAGAALADA AFMADOW
|
Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowlad goboleedka Azaaniyz oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Dhoobley ayaa usheegay warsidaha IjaraNews ee kusugan magaalada Garissa in ciidamada dowlad goboleedka Azaaniyz iyo kuwa Kenya oo aad u hubeysan ay saaka u ruqaansadeen dhanka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Xaaladda magaalada Afmadow ayaa ah mid kacsan, iyadoona la sheegay in xoogagga Al-shabaab ay hawada ka saareen gabi ahaanba isgaarsiintii degmadaasi, kadib markii ay ka warheleen gulufka colaadeed ee kusoo wajahan.
Afhayeenka ciidamada dowlad goboleedka Azaaniyz ee Jubooyinka Maxamed Daahir Faarax, ayaa sheegay in ay qorsheynayaa in saacadaha nagu soo aadan ay la wareegaan degmada degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, oo kamid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin Jubooyinka.
Illaa imika ma jiraan masuuliyiin katirasn xoogagga Al-shabaab oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira galbeedka gobolka Jubada Hoose.
IjaraNews Garissa |
27 Mar 2012 by Xasan |
0 comments
|
|
|
|
|
|
|