Faafaahin ku aadan Qasaaraha Qaraxii Maanta Muqdisho ka dhacay.






04.Apr.2012:- waxaa sii kordhaysa qasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay xarunta Golaha madadaalada iyo murtida ee Muqdisho oo ay ka socotay Xaflada lagu maamuusaya dib u howlgalintii TV-ka qaranka Soomalaiyeed.

warbixinada ayaa sheegaya in dad ka badan tobaneeyo ay ku dhinteen oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

waxaa jira warar is qilaafsan oo ilaa haadan soo baxaya laakiin waxaa la xaqiijiyay waxyeeladaan dadkaan:

Masuuliyiin waxyeelo soo gaartay

Illaa hadda waxaan naloo xaqiijiyey in khasaaraha ka dhashay goobta uu sii kordhayo waxaase helnay magacyada dadka waxyeeloobay qaarkood;

1- Siciid Mugaambo oo ahaa gudoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed (waa uu geeriyooday)

2- Aadam Xaaji Yabarow Wiish- oo ka tirsanaa Guddiga Olybikada Soomaaliyeed (wuu dhintay)

3- Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud- oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya (wuu dhaawacmay).

4- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa- (waa dhaawac)

5- Cabdi Xaaji Goobdoon- oo ahaa la taliyaha raysul wasaaraha ee dhanka warbaahinta (waa dhaawac)

6- Axmadey Cabdi Gaashaan- fanaan Soomaaliyeed- (waa dhaawac)

Wariyaal waxyeelo soo gaartay

1- Suleymaan Sheekh Ismaaciil- Gudoomiye ku xigeenkii ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ – (waa dhaawac daran)

2- Wariye Maxamed Shariif – oo ka tirsanaa idaacadda Bar-Kulan (wuu dhaawacmay)

3- Wariye Axmed Cali Kaahiye- oo ka tirsan Radio Kulmiye (wuu dhaawacmay)

4- Wariye Ayaan Cabdi – oo ka tirsan telefishanka S24 (waa dhaawacantay)

5- Wariye Deeqo Maxamed Axmed- oo ka tirsan Radio Muqdisho (way dhaawacantay)

6- Wariye Xamdi Xiis- oo ka tirsan telefishanka Somali Channel (way dhaawacantay)

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa sheegaya in dhowr wasiir oo xukuumada ka tirsan ay dhaawacmee


abdi risaak ceynte

ijaranews nairobi
04 Apr 2012 by webmaster@ijaranews.com
0 comments

name:

mail:

(optional)

Ogaysiis:-Walaal hadii aad rabtid inaan figradaada kadhiibatid warkan ama maqaalalkan aad EEGGA akhriday, waxaad xusuusnaataa in aanan marnaba la ogolayn in laguqoro shabakada qormo ama figrad wax u dhimaysa Cirdiga, Sharafta iyo Diinta Qofka walaalgaaga ah ee muslimka ah. Marka walaal naftaada iyo ehelkaagaba naarkabadbaadi oo Ilaahay kabaq. (Fadlan Wixii dadka anfacaya oo talo iyo tusaalo ah kaliya ku qor cadkan hoose, cadaaladna u hadal) JAZAAKAUMU-ALLAAH

| Forget Me

 
 
  » Guurowgii Xasan Sh Maxamuud uu utiriyay Beesha Darood, 23 May 2013

» Ijara Monthly Article-May 2013 19 May 2013

» . Dhgeeyso Danjire Cabdikariin Aw Cali Cumar oo mar labaad wareeysi siiyay warbahinta Ijaranews 05 May 2013

» Safiirkii hore Somali ufadhinijiray dalka Mareykaanka Cabdikariin Cali Cumar oo eedeen culus dusha uga tuuray madaxda dowlada Soamliya 23 Apr 2013

» Ibnu Taymiyah Masjid and Islamic Center 20 Apr 2013

» Xildhibaan Ilyaas Bare Shiil oo maanta marti noogu ahaa barnaamijka doodwedaarsi ee warbaahiinta IjaraNews.com 31 Mar 2013

» Ogeeysiis Ogeeysiis Ogeeysiis 31 Mar 2013

» Cabdiqani Sheekh Axmed (Cabdiqani Jiis) oo kusugan magaaladda Kismaayo oo wareeysi siiyay warbahiinta IjaraNews 29 Mar 2013

» Barnaamijka doodwedaarsi oo maanta marti noogu ah weriye Cabdiqaadir Xussen 25 Mar 2013

» Gabadha loo soo doortay wakiilka haweenka ee Wajeer county oo wareeysi siisay warbahiinta IjaraNews.com 21 Mar 2013