Xildhibaanka ayaa u dhintay dhaawicii ka soo gaaray Qaraxi Tiyaatarka qaranka , iyadoo tan iyo markii uu dhaawacmay arbacadii xaalad Koomo ah uu ku jiray, isla markaana uu qabay dhiig kar iyo sokorowga oo ay aad ugu kacday.
Wasiirkada Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Maryan Aweys ayaa xaqiijisay geerida xildhibaanka, iyadoo tibaaxday in saaka waabarigii uu dhintay, sida uu ku soo wargeliyay dhaqtarkii baxnaaninayay. Geerida Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa noqonaysa Masuulkii ugu sareeyay ee katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya oo ku geeriyooda Weerarkii Ismiidaaminta ahaa oo oo Ruux Gabar ah ka fulisay Tiyaatarka Qaranka.
Mowliid Macaan ayaa ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo ahaa Xildhibaan cod-kar ah Allaha u naxariirto xildhibaanka ehelkiisana samar iyo iiman Allaha ka siiyo
ceynte IJranews nairobi |