|
|
Dowlada Kenya oo kacabsi qabta in Al-Shabaab Qaraxyo xoogan ka gaystaan Gudaha Kenya
|
08.April.2012: Taliska Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan warbixino muujinaya in Al-Shabaab ay qaraxo iyo falal kale oo amaan xumo ah ka gaysanayaan Gudaha Kenya.
Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya Mather Iteere oo wariyaasha kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in Shabaab ay qaraxo la damacsan yihiin in ay gaystaan xiliga lagu guda jiro Faraxa Eastern oo dadka Kiristanka ah ay dabaal dagaan.
Ciidamo badan ayaa la dhoobay Magaalooyinka waa weyn ee dalka gaar ahaan Magaalada Nairobi iyo Magaalada Mombasa oo dhawaan qaraxyo ay ka dhacen.
“Waxaa aan haynaa warbixino muujinaya in ay jiraan isku day ay Shabaab qaraxyo ugu gaysanayaan goobaha ay dadka isugu imaadaan inta lagu guda jiro fasaxa Eastern”ayuu yiri Iteere.
Wasiirka Amniga Gudaha KENYA Gierge Saitoti ayaa isagana sheegay in la balaarin doono Howlgalada Ciidamada si looga hortago digniin muujinaysa in Shabaab qaraxyo ka gaystaan Gudaha KENYA.
ceynte
ijaranews nairobi |
|
|
|
|
|
|
|